Ka difaac carrurtaada iyo bulshadaada xanuunada xunxun

Waxyaabo badan ayaa kaduwan sidii hore sanadkaan, laakiin waxyaabaha qaar ayaa wali siday ahaan jireen ah. Carruurtaada ayaa wali koraaya oo waxbaranaaya—walina waxay u baahan yihiin talaallada joogtada ah si loo dhawro caafimaadkooda iyo badqabkooda.

Talaalladu waxay ka difaacaan carruurta, qoysaska, iyo bulshooyinka guud xanuunada xunxun sida jadeecada, teetanada, iyo xataa qaar kamid ah noocyada kansarka. Inaad carruurtaada talaasho waxay sidoo kale difaacaysaa carruurta iyo dadka waawayn ee aan talaalka qaadan sababo la xariira xasaasiyaad ama ciladaha kale ee caafimaadka. Haddii aad ka daahday, waa wax caadi ah. Xafiiska dhakhaatiirta ayaa ah mid amaan ah, furan, oo diyaar u ah inuu ka caawiyo qoyskaaga samaynta qorshe ay kusoo bogaan talaallada dhaafay.

Baaritaannada iyo talaalladu waa kuwo ay bilaash ku helayaan xubnaha Health Share iyo dadka ka qoran inta badan caymisyada. Wac dhakhtarkaaga ama xarunta caafimaadka isla maantaba!

An icon representing a calendar

Gudah Oregon, sharciga gobalka ayaa u baahan talaallo la siiyo dugsiga iyo daryeelka carruurta — xataa haddii dugsiga cunugaagu yahay mid oonleen ah. Usoo qaad talaallada cunugaaga bisha Feebaraayo 17, 2021, si aad u xaqiijiso inuu sii wado dhigashada dugsiga.

Su'aalaha ugu badan ee aad waydiinayso dhakhtarkaaga

Waxay diyaar u yihiin inay ka jawaabaan su'aalaha haddii aad doonayso xog dheeraad ah ama haddii aadan hubin noocyada talaallada cunugaagu u baahan yahay.

Halkaan waxaa ku qoran qaar kamid ah su'aalaha aad waydiin karto:

Markaad balanta qabsanayso:

  1. Waa maxay talaabooyinka kahortaga dheeraadka ah ee xafiiskiinu qaadaayo si loo dhawro badqabka bukaanka inta lagu jiro COVID-19?
  2. Waxaa ii jooga carruur badan. Ma u mudaysan karaa balamo isku mar ah carruurtayda?
  3. Maxaan samayn karaa si aan cunugayga u diyaarsho kahor booqashadeena?

Markaad joogto goobta balanta:

  1. Waa kuwee talaallada cunugaygu hadda u baahan yahay?
  2. Waa kuwee talaallada cunugaygu u baahan yahay sanadka soo socda?
  3. Ma heli karaa liiska dhammaan talaallada cunugaygu ugu baahan yahay daryeelka maalintii ama dugsiga, ama kooxda ciyaarta?
  4. Ma iga caawin kartaa samaynta qorshe aan cunugayga u samaynaayo si uu usoo bogo talaallada dhaafay?
  5. Sidee ayuu cunugaygu dareemi doonaa kadib markuu qaato talaallada? Ma jiraan wax dhibaatooyin ah oo ka dhalan kara talaalka?
  6. Ma mudaysan karaa hadda balamaha talaallada cunugaygu u baahan doono marka xigta?

Ma u baahan tahay in lagaa caawiyo helitaanka dhakhtarka?

Haddii aad ka diiwaan gashan tahay Health Share:

  • La xariir caymiskaaga caafimaadka ee ku qoran dhabarka danbe ee kaarkaaga aqoonsiga xubinta.
  • Haddii aadan haysan kaarka aqoonsiga xubinta aadana aqoon cidda uu yahay dhakhtarkaaga carruurta ama dhakhtarka qoyskaaga, waan kaa caawin karnaa helitaanka dhakhtar ku haboon qOYskaaga iyo dhaqankaaga. Nagalasoo xariir info@healthshareoregon.org ama wac 503-416-8090.

Haddii aadan haysan caymis:

  • Hubi u qalmidaada Oregon Health Plan (OHP, Caymiska Caafimaadka ee Oregon). OHP waxay u furan tahay dhammaan carruurta iyo kurayda ka yar da'da 19—ayadoon laga eegayn inay soo galooti yihiin ama inkale—oo buuxsha shuruudaha dakhliga iyo kuwa kale.
  • Waxaad codsan kartaa OHP xiligaad doonto sanadka dhexdiisa.
  • Waxaad sidoo kale booqan kartaa mid kamid ah 33 Xarumaha Caafimaadka ee Aqoonsiga Federaalka haysta – hel midka kuugu dhaw.

Haddii aad haysato caymis, laakiin aan ahayn Health Share:

  • Wac shirkadaada caymiska ama booqo webseedkooda. Waxay awoodi doonaan inay kaa caawiyaan helitaanka dhakhtar ka diiwaan gashan caymiskaaga.
girl with mask
WAA KUWEE TALAALLADA CUNUGAYGU U BAAHAN YAHAY?

Dhakhaatiirta iyo khubarada xanuunka ayaa abuuraaya si ay u baxshaan difaaca ugu fiican ee ka dhanka ah xanuunada ayadoo la dhawraayo badqabka waqtiga talaallada.

Soo degso jadwalka si aad u barato noocyada talaalka cunugaagu u baahan yahay. Haddii aad ka daahday, waa wax caadi ah. Dhakhtarka cunugaaga ayaa ka caawin kara qoyskaaga samaynta qorshe ay kusoo bogtaan.

**Dhakhtarkaaga ayaa ku talin kara waqti ka duwan ama tiro kuurooyin kaduwan kuwaas haddii cunugaagu kasoo daaho talaalka — wuxuu kaala shaqayn doonaa samaynta qorshaha ugu haboon ee cunugaaga.

Waa kuwee xanuunada talaalladu ka hortagaan?

Marka carruurtaadu helaan talaalladooda joogtada ah, waxaad ka difaacaysaa qoyskaaga iyo bulshadaada oo dhan 16 xanuun oo khatar ah. Si aad u difaacdo cunugaaga, waa muhiim inaad qaadato dhammaan talaallada lagu talinaayo aadna soo bogto sida ugu dhakhsaha badan haddii talaallo dhaafeen.

La hadal dhakhtarkaaga haddii aad u baahan tahay xog dheeraad ah oo ku saabsan caabuqyadaan ama talaallada kahortaga.

Busbus (varicella)
Wuxuu sababaa cuncun iyo finan biyo leh iyo qandho. Wuxuu noqon karaa xanuun daran, oo xataa nafta khatar gelin kara.

Gawracato
Waxay keentaa canbaar daboolaysa dhabarka danbe ee sanka ama dhuunta oo ku adkaynaysa qofka inuu neefsado ama wax liqo. Waa loo dhiman karaa.

Hargabka (ifilada)
Wuxuu keenaa qandho, qufac, iyo murqo xanuun. Si fudud ayuu ku faafaa wuxuuna keeni karaa xanuun daran sida burukiito. Wuxuu keeni karaa in qofka isbitaal la dhigo iyo dhimasho.

Cagaarshoowga A
Wuxuu keenaa xanuunka wadnaha oo daran. Carruurtu badanaa ma lahan astaamaha xanuunka, laakiin way qaadsiin karaan xanuunka dad kale.

Cagaarshoowga B
Wuxuu keenayaa xanuunka beerka oo badanaa noqda xanuun aakhirka loo dhinto, ama intaad nooshahay kula socda, dadka qaarkood waana xanuun dadku isqaadsiiyaan. Wuxuu keeni karaa ciladaha caafimaadka oo daran sida kansarka beerka.

Hib (Hargabka Haemophilus Nooca B)
Wuxuu sababaa xanuuno ay ku jiraan caabuqa maskaxda (caabuq ku dhaca maskaxda iyo lafdhabarka) iyo burukiito. Wuxuu keeni karaa naafada intaad nooshahay oo dhan ah wuxuuna noqon karaa mid loo dhinto. Ilmaha iyo carruurta kayar 5 sano ayaa khatarta ugu wayn ugu jira.

Fayraska Papilloma ee dadka Ku dhaca (HPV)
Wuxuu keeni karaa lix nooc oo kansar ah. Qaadashada talaalka HPV ee cunugaaga ayaa ah qaabka ugu wanaagsan ee looga hortago inuu qaado noocyada qaar ee kansarka xili danbe intuu nool yahay.

Jadeecada
Waxay keentaa finan iyo qandho waxayna sababi kartaa burukiito. Waxay noqon kartaa mid aad u daran waxayna keeni kartaa dhago la'aan iyo dhimasho. Aad ayay u faaftaa.

Xanuunka Qoorgooyaha
Wuxuu keenaa caabuqyo aad u xun oo ay ku jiraan caabuqyada halbawlayaasha maskaxda, lafdhabarka, iyo marinnada dhiiga. Waa loo dhintaa ama wuxuu keenaa naafooyin intaad nooshahay ah.

Qaamo-qashiir
Wuxuu keenaa qanjiro barar iyo daal waana mid faafa. Wuxuu keeni karaa ciladaha xanuunka oo muddo dheer ah sida dhagoolnimo iyo bararka maskaxda.

Xanuunka Sanbabka
Wuxuu sababi karaa caabuqyada dhagaha, sanbabooyinka, dhiiga, iyo maskaxda. Wuxuu noqon kara amid daran wuxuuna keeni karaa naafo abadiyan ah ama dhimasho. Carruurta kayar 2 sano ayaa ku jira dadka khtarta ugu daran ugu jira.

Dabaysha (booliyada)
Waxay keentaa naafada baraalaatiga abadiyanka ah (qaybaha jirka oon dhaqaaqi karin) aad ayaana la isku qaadsiiyaa.

Shuban biyood
Wuxuu keenaa shuban iyo matag aad u daran. Wuxuu badanaa ku dhacaa ilmaha yaryar iyo carruurta da'doodu yartahay wuxuuna keeni karaa fuuq bax daran (luminta dheecaanka jirka).

Jadeeco Jarmal
Waxay keentaa finan iyo qandho waxayna si gaar ah khatar ugu tahay haweenka uurka leh. Waxay keeni kartaa dhicis, ciladaha dhalmada oo daran, ama dhimashada ilmaha kadib marka uu saas u dhasho.

Teetanada
Waxay keeni kartaa cilado dhanka neefsiga ah, murqo xanuun daran, iyo baralays. Dad badan oo dhan 1 kamid ah 5 qof oo qaada teetanada ayaa dhinta.

Jixdheer (xiiq dheer)
Waxay keentaa qofac aad u dhib badan. Khatar ayay ku tahay ilmaha yaryar waana loo dhintaa.

Source: "Xanuunnada iyo Talaallada Kahortaga." Xarunta Xakameynta iyo Ka hortaga Cudurada (Center for Disease Control and Prevention), https://www.cdc.gov/vaccines/parents/diseases/index.html La helay Sibteembar 11, 2020.